3264 Views

UNHCR oo Kenya ka dalbatay inay ka laabato go’aankii ay gaartay

UNHCR oo Kenya ka dalbatay inay ka laabato go’aankii ay gaartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 10, 2016: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga adduunka ee loo yaqaano UNHCR, ayaa walaac xoogan ka muujisay go’aankii dowladda Kenya ee ahaa in ay albaabada isugu dhufan doonto xerooyinka qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee Waqooyi bari dalka Kenya

War saxaafadeed ka soo baxay hey’adda UNHCR  ayaa lagu sheegay in Hey’addu ay dowladda Kenya ka dalbatay in ay Sii wado martigelinta kumanaanka qaxootiga ee ka kala socda dallaka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed, waxayna sheegtay in xaaladaha markii hore qaxootiga ku qasabtay in ay dalalkooda ka soo qaxisay wali aan xal dhameystirin laga gaarin.

Hay’addaan, ayaa Kenya ka codsatay in ay dib u eegto go’aanka ah in ay xiri doonto xerooyinka Dhadhaab iyo Kaakuma, isla markaana ay ka fogaato in ay ku xadgudubto waajibaadka caalamiga ee ka saaran ilaalinta xuquuqda Qaxootiga kuwaas oo u baahan in laga daryeelo xaaladaha qalafsan.

“Badbaadada boqolaalka kun ee qaxootiga ee ka kala socda Soomaaliya iyo Suudaanta Kuufureed, kuwaas oo ka faa’ideystay deeqsinimada Kenya  madaama dowladda Kenya ay rabto in ay ahaato hormuudka wadamada gobolka ilaalinta xuquuqda qaxootiga,”  ayay lagu sheegtay UNHCR bayaan ay ka soo saartay xafiiska Nairobi ay ku leedahay heydda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu amaanay doorka dowladda Kenya ay ka qaadatay marti gelinta xerada qaxootiga ugu wayn adduunka ee Dhadhaab.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment