5862 Views

Banaan bax khal-khal geliyay Ganacsiga oo ka dhacay Beledweyne

Banaan bax khal-khal geliyay Ganacsiga oo ka dhacay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 11, 2016: Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo sare u kac ku yimid qiimaha sarifka lacaga doolarka ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo banaan baxan uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee suuqyada.

Dadweyne fara badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Beledweyn ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada, iyagoo dhagxaan la dhacayay goobaha ganacsiga, waxaana dadka ay ka cabanayeen sare u kaca ku yimid qiimaha sarifka lacagaha.

Qiimaha sarifka boqolkii doolar ayaa gaaray (3,000,000) saddex milyan oo shiling Soomaali ah, halka markii hore uu (2,200,000) labo milyan iyo labo boqol oo shiling Soomaali ah.

Ganacsatada magaalada ayaa diiday inay qaataan lacagta kunka shiling Soomaaliga ah, waxaana taa bedelkeed ay sheegeen inay doolar wax ku iibsadaan, taasoo keentay in dadweynaha magaalada ay banaan bax ay uga soo horjeedaan dhigaan.

Diidmada lacagta shilinga Soomaaliga ee kunka shiling ayaa ka dambeysay markii lacago lagu soo daabacay deegaanada Puntland ay soo gashay magaalada Beledweyn, taasoo sabab u noqotay sare u kaca ku yimid sarifka lacagaha doolarka ah.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyn ayaa kulan deg deg ah waxaa uu la qaatay Ganacsatada magaalada, waxaana ay ka wada hadleen sidi loo jaan-goyn lahaa qiimaha sarifka lacagaha doolarka si loo hakiyo dhibaatada ka imaan karto.

banaan-bax-maciishad-4banaan-bax-maciishad-6banaan-bax-maciishad-5banaan-bax-maciishad-7banaan-bax-maciishad-3

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment