3471 Views

Ciidamada Kommandooska ah oo howl gal ka sameeyay Galgaduud

Ciidamada Kommandooska ah oo howl gal ka sameeyay Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 11, 2016: Ciidamada Kommandooska loo yaqaan ee Milateriga Soomaaliya ayaa xalay howl galo qorsheysan ka sameeyeen Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Ceel Timir oo qiyaastii 15KM u jira deegaanka Galcad.

Guddoomiyaha deegaanka Galcad ayaa sheegay in howl galka ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran lagu dilay illaa 15 ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jireen rag saraakiil ahaa.

Waxaa uu intaa ku daray, in howl galkan aanu wax khasaare ah ka soo gaarin dadka shacabka, waxaana uu xusay inay ku soo furteen hub fudud iyo saanad rasaas ah.

“Ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa howl gal ka sameeyay deegaanka Ceel Timir, 15 ayaa kaga dilay Al-Shabaab oo saddex ka mid ah ay saraakiil yihiin, wax khasaare oo ciidamada soo gaaray ma jiraan, halkaas waxaa lagu soo qabtay hub”ayuu yiri Guddoomiyaha deegaanka Galcad oo la hadlayay Warbaahinta.

Howl galada noocaan ah ayaa fulinayaan Ciidamada Kumaandooska, waxaana deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ka dhacay, howl gal ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaandooska iyo Ciidamo Mareykan ah oo saldhig ku leh Garoonka Balli-doogle.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deegaano Al-Shabaab horay nabad ku deganaayeen aanay iminka nabad ku deganeyn oo aanay kalsooni ku seexaneyn habeenkii, isagoo xusay in taasi ku timid howl galada ay wadaan ciidamada qalabka sida, AMISOM iyo saaxibo kale oo garab na siiya.

Habeen hore ayay aheyd markii iska hor imaad culus uu ka dhacay deegaanka Toora-Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, markii ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamada Kumaandooska ay weerareen fariisin Al-Shabaab ay ku lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka hor-tageen weerarkaas, ayna ciidamadii Mareykanka ee soo weeraray ku qasbeen inay dib ugu laabtaan diyaarado qumaatiga u kaca oo ay kaga soo dageen meel ku dhow Toora Toorow oo meel ku dhow Baraawe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment