7275 Views

NABADOON CALI SHEEKH MAXAMED QORYARE ( CALI SHIINE) OO LOO DOORTAY IN UU BEESHA ABAKAR MURUSADE U MATOLO GOLAHA DUUBADKA SOOMALIYEED.

____________________________________________________________________________

May 11, 2016

Shir ay ka soo qayb galeen Gudiga Dhaqanka Beesha Abakar, Gudiga Fulinta Beesha Abakar, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Beesha ayaa ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay muhiimadiisu ahayd sidii ay BEESHA u yeelan lahayd XUBIN u matasha GOLAHA DUUBABKA SOMLLIYEED, maadaama lagu jiro Xili kala guur ah, LOONA BAHANYAHAY BEESHA in ay ka qaadato doorka uga aadan, arimaha DHAQANKA, SIYAASADA IYO DIB U DHISKA DALKA, Shirkan waxaa aad looga dooday sidii loo Xuli lahaa Shaqsiga ku HABOON XILKAN,  doodo aad u dheer iyo talooyin badan kadib waxaa halkaas Shirkaas lagu Go’aansaday in XILKAAS LOO DOORTO Mudane, CALI SHEEKH MAXAMED (QORYARE) oo loo yaqaan (Cali Shiine).

Mudane, Cali Sheekh Maxamed wuxuu ku nool yahay dalka UK, wuxuuna ka mid yahay Hogaanada Beesha Karanle ee dalka UK, wuxuuna ka yahay Dalka Ingiriiska Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Beesha Hawiye ee dalka UK.

Dhamaan dadkii ka sooqayb galay shirkaas waxay isku raaceen in Mudane, Cali Sheekh Maxamed ( Cali shiine) uu yahay Shaqsi ka soo bixi kara Xilka loo magacaabay, waxayna Alla uga baryeen in uu u fududeeyo Xilka Culus ee loo dhiibay.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay Shaqsiyaadka ugu Muhiimsan BEESHA ABAKAR oo ay Go’do Talada Abakar, waxaana Shir Gudoominayey Mudane, ADAN SHEEKH NUUR (Adan Qooje)

Waxaana goobta shirka lagala hadlay Mudane, Cali Shiine oo lagu wargeliyey Xilka loo doortay, wuxuuna si Ixtiraamka ku aqbalay Codsiga loo Gudbiyey.

Waxaana la sugayaa in mar Dhow la Caleemo saaro Mudane, Cali Sheekh Maxamed, iyadoo la sugayo in uu mar dhow soo gaaro Muqdisho.

Wa Bilaahi Towfiiq.

 

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment