3993 Views

TACSI, TACSI.

____________________________________________________________________________

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Bahada qaranimo waxay TACSI u diraysaa Dhamaan Eheladii, Asxaabtii iyo umada Somaaliyeed GEERIDII ku timid Alaha u NAXARIISTEE CABIYA CALI oo ka mid ahayd Shaqsiyaadka Qayb wayn ka soo qatay, Taakulaynta danyarta Somaaliyeed.

Caabiya waxay ka mid ahayd dadka aan inta badan ka soo wada shaqaynay sidii wax loogu qaban lahaa Qofkasta oo u bahaan in loo fidiyo Gar gaar walaalnimo iyo Somaali Nimo.

Cabiya waxaa lagu Xasuusan doonaa, wanaagii ay u gashay dad badan oo aad u dhibanaa waqti ay ku jireen Mar xalad aad u adag oo ay u baanaayeen in lala gaaro gargaar deg deg ah.

Cabiya waxay ka mid ahayd Taageera yaasha waxqabadka Website-ka Qaranimo-online, waxayna dhowr jeer BIXISAY Tabarucaad.

Hadaan nahay bahda Qaranimo waxaan lee nahay CAABIYA Allaha siiyo Naxariistii JANNO Amiin, Amiin, eheladii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan.

 

Qaranimo-online

Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment