3591 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay in la boobo hantida qaranka

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay in  la boobo hantida qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 11, 2016: Ayadoo Soomaaliya gashay marxalad kala guur ah, lana filayo in dhamaadka sanadkan uu dalka ka dhaco is bedel, marka la gaaro doorashooyinka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxay ka digtay in la boobo hantida qaranka.

Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, ayaa uga digay Mas’uuliyiinta dowladda in aysan ka faa’ideysan kala guurka, loona baahan yahay in hantida qaranka ay ilaaliyaan.

“Qof kasta oo idin ka mid ah, hantida uu qaranka u haayo waa inuu ilaaliyo, cid kasta oo timaado lagu wareejin karo, ma jirto wax la yiraahdo kala guur, waxaan qaranka baa leh, qaranka ayaana loo heynayaa, dowlad cusub marka ay timaado sideeda lagu wareejinayaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ka hadlayay munaasabad ay xilal kula wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare iyo Guddoomiyaha cusub.

Rw/ ku xigeenka ayaa sheegay in hantida umadda aan la xalaaleysan karin, isla markaana cid walba lala xisaabtamayo, isagoo ku baaqay in lagu fara adeego hantida iyo mas’uuliyada la haayo, si looga fogaado wax lunsi iyo tuugaysi.

Dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa ka digaya in xilliga kala guurka ee la galayo ay xubnaha dowladda ee hada xilalka haya ka faa’ideystaan, hantida qarankana loo adeegsado arrimo kale, sida doorashooyinka oo kale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment