3855 Views

Magafayaasha dadka tahriibaya oo qaar ka mid ah la qabtay.

Magafayaasha dadka tahriibaya oo qaar ka mid ah la qabtay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 12, 2016: Booliska dalka Talyaaniga ayaa gacanta kusoo dhigay 7-qof oo magafayaal ah kuwaasi oo dadka maxabis ahaan u qbsada marka ay tagaan xeebaha Talyaaniga si qoyskooda lacag ay uga qaatan si loogu gogol xaaro inay sii maraan wadada dhinaca waaqooyiga.

Shabakada Yuurow News ayaa daabacday in maxkamada Katania ay amar ku bixisay in 13-ka qof lasoo xiro kuwaasi oo arimo tahriib ku howlanaa,waxana lasoo qabtay 7-kamid ah halka la rumaysan yahay intii kale inay ka baxeen wadankaasi.

Waxaa la bartilmaamaysaday ilaa 9-guri oo kooxdaasi adeegsanaysay si muhaajirinta ay xabsi uga dhigaan iyagoo lacag ka qaadanaya waxa lasoo daayay 37-qof oo Soomali ah oo guryahasi ku xirnaa sida lagu shegay bayaan kasoo baxay Booliska.

In kabadan 320,000-qof oo muhaajirin ayaa tagtay Talyaaniga inti u dhaxeysay 2014 ila 2015 iyagoo wadamadooda faqriga uga craray si ay Yurub nolal wanagsan uga heli lahayen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment