3378 Views

Maraykanka oo uu sheegay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab

Maraykanka oo uu sheegay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 12, 2016: John Kerry, Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka, ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka dawladda Kenya ay ku qaadatay inay ku xidho xeryaha qaxootiga Kenya ayna ku kala dirtay hay’addii qaxootiga, isla markaana ay sida degdegga ah dib ugu celinayso boqollaal kun oo qof oo dalkeeda gabbaad ka dhiganaya.

War saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa John Kerry uu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan martigelinta dawladda Kenya ee qaxootiga, waxaana uu sheegay in dawladdiisu ay ka caawisay Kenya wadaagista mas’uuliyadda oo ay qayb ka qaadatay kaalmada bani’aaminnimo iyo in dib u dejin loo sameeyye qaxooti badan.

John Kerry ayaa ku baaqay in dawladda Kenya sii waddo doorkeedii dheeraa ee ay ku marti galinaysay qaxootiga,Arintaasi oo ay qeexayaan qawaaniinta caalamiga ah, loogana baahan yahay Kenya in ay dhowrto shuruucda caalamiga ah oo aysan dadka qaxootiga ah qasab ku celinin.

Uu Danbayn Kerry, waxaa uu kenya ugu baaqay Kenya inay sii waddo la shaqaynta hay`ada UNHCR sidii loo celin lahaa dadka iskood u laabanaya, iyo inay ixtiraamto heshiiskii saddex geesoodka ah ee sanandkii 2013-ka ay wada gaareen dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo dhiirigelinay inay dadku si iskood ah u laabtaan meesha ay ka yimaadeen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment