3687 Views

Museveni oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkiisa

Museveni oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 12, 2016: Madaxweyne,Yoweri Museveni, ayaa maanta xaflad ka dhacday magaalada Kampala mar kale loo caleema saaray xilka madaxweynaha kadib markii bishii April uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

Xafladda, Musevani ayaa ka dhacday garoon ciyaaraha ee Kampala, waxaana ka qeybgalay madax fara badan oo ka socota waddamada caalamka.

Madaxda caalamka ee ka qeybgashay xafladda caleema saarka Musevani ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Tanzania John Magufuli, madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Mahamadou Issa Yofouf.

Garoonka ay ka dhacaysay xaflada dhaarinta ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka dalka Uganda waxaana halkaas qudbado ka jeediyay qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashay xaflada caleemosaarka.

Dowlada Uganda ayaa waxaa ka jooga ciidamo nabad ilaalin ah dalka Soomaaliya iyadoo ciidamada Uganda ay yihiin kuwa ugu badan ee ka qeybqaadanaya nabad ilaalinta dalka Soomaaliya, in kastoo dowlada kalena ay ciidaman ka joogaan.

uganda-calemasar-3uganda-calemasar-2uganda-calemasar-7uganda-calemasar-5uganda-calemasar-4

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment