3870 Views

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ansixiyay guddiga doorashada hoggaanka NUSOJ

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ansixiyay guddiga doorashada hoggaanka NUSOJ
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, May 12, 2016: Shirweynaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ ayaa kulankiisii maanta waxaa lagu ansixiyay Guddiga doorashooyinka Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ kaasoo qaabeyn doona doorashada Hogaanka NUSOJ.

 

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala matalaya Ergooyinka Saxafiyiinta ah ee ka kala yimaaday dhamaan gobalada Soomaaliya.Waxana ay Kala yihiin ,sidan

1-Axmed Muuse Cali Jookar                  {GUDOOMIYE}

2-Maxamed Cismaan Makaraan          {GUDOMIYE KUXIGEENKA 1 AAD}

3-Muna Cumar Xasan                           { GUDOMIYE KUXIGEENKA 2 AAD }

4-Aweys Xaaji Nuur                              {XOGHAYAHA GUDIGA }

5-Cabduqaadir Cabdirisaaq Jiijiile     {KUXIGEENKA XOGHAYAHA}

6-Sharmaarke Maxamed Maxamud  {AFAYEENKA GUDDIGA }

7-Hilaal sheikh shuceeyb                      {KAALIYAHA GUDDIGA)

8-Maxamed Abuukar Caseyr                 {KAALIYE GUDDIGA }

9- Cabdulaahi Xirsi Kulmiye                  {KAALIYE GUDDIGA}

Gudigaan la magacaabay ayaa wuxuu diyaarin doonaa doorashada iyo waliba shuruudaha laga doonayo dhamaan Musharaxiinta doonaya inay qabtaan xilalka kala duwan ee hogaanka Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Dastuurka ururka Saxafiyiinta oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa la ansixinayaa maalinta Sabtida ah iyadoo isla maalinta Sabtida ah la soo bandhigi doonaa Shuruudaha laga doonayo musharaxiinta hoggaanka u noqonaya ururka Suxufiyiinta ee NUSOJ iyadoo sidoo kale la dhagaysan doono khudbadaha Musharaxinta.

Maalinta Axada ee 15-Bisha May ayaa waxaa ay  dhici doontaa doorashada Hogaanka Ururka Suxufiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Guddiga la ansixiyay ayaa ah mid ka madax banaan qeybihii hore isugu haystay hogaanka ururka NUSOJ waxana ay ka kala socdaan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo guddi doorasho oo ay ka wada qeybgalaan saxafiyiinta gobolada dalka Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment