549 Views

13 muhaajiriin ah oo meydkooda laga helay xeebaha Tunisia

13 muhaajiriin ah oo meydkooda laga helay xeebaha Tunisia
____________________________________________________________________________


Axad: April 10, 2022

Mas’uuliyiinta waddanka Tunisia ayaa Sabtidii soo saaray meydadka 13 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan lix haween ah iyo lix caruur ah, kadib markii doomyihii ay la socdeen ay la dagtay iyagoo isku dayayay inay u gudbaan badda halista ah ee Talyaaniga.

Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay la socdeen labo doomood, sida uu sheegay Mourad Turki, afhayeenka maxkamada ku taal magaalada Sfax ee ku taal badda Mediterranean-ka.

Samatabixiyeyaasha ayaa 37 muhaajiriin ah kasoo saaray biyaha Jimcihii iyo sabtidii laakiin tobannaan kale ayaa weli aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, sida Turki uu u sheegay AFP.

Tunisia iyo dalka ay deriska yihiin ee Liibiya ayaa ah meelaha muhiimka ah ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya inay gaaraan xeebaha Yurub, kuwaas oo inta badan raacamaraakiibta aan u qalmin socdaalka badda.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,300 oo muhaajiriin ah ay ku qaraqmeen ama lagu waayay bartamaha Mediterranean-ka sanadkii 2021-kii, taasoo ka dhigtay marinka ugu dhimashada badan ee tahriibka.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku qiyaasay in inka badan 18,000 oo muhaajiriin ah ay dhinteen ama la waayay iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan tan iyo 2014-kii.

AFP.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post