4944 Views

Ciidamada Talyaaniga oo deeq gaarsiiyay xarunta agoonta gabdhaha Boondheere

Ciidamada Talyaaniga oo deeq gaarsiiyay xarunta agoonta gabdhaha Boondheere
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 13, 2016: Ciidamada talyaaniga ee qeybta ka ah kuwa Midowga Yurub ayaa deeq isugu jirta qalab caafimaad, Biscut Cabitaan iyo kobo waxa ay gaarsiiyeen MCH-ka iyo xarunra xanaanada Gabdhaha agoobta Boondheere.

Saraakiisha ciidamada Talyaaniga ayaa ugu horeyn qalab caafimaad ku wareejiyay maamulka MCH-ka Boondheere iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha degmada Boondheere, gudoomiyaha ururuka haweenka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada Talyaaniga ayaa intaasi kaddib booqday xarunta xanaanada agoonta gabdhaha Boondheere oo ay gaarsiiyeen deeq ay ugu talagaleen gabdhaha agoonta ah ee ku jira xaruntaasi.

Maamulaha xarunta agoobta gabdhaha Boondheere Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo munaasabadaasi ka hadashay ayaa ciidamada talyaaniga uga mahadcelisay deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen iyadoo tilmaantay in kaalmadaasi ay dabooleyso qeyb ka mid ah baahida xarunta.

 

vlcsnap-2016-05-13-10h41m30s33

vlcsnap-2016-05-13-10h42m37s171

vlcsnap-2016-05-13-10h43m17s92

vlcsnap-2016-05-13-10h43m44s104

vlcsnap-2016-05-13-10h50m38s147

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment