3129 Views

Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka oo isaga baxay caleema saarki madaxweyne Museveni

Diblomaasiyiinta Reer Galbeedka oo isaga baxay caleema saarki madaxweyne Museveni
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 13, 2016: Diblomaasiyiintii Reer Galbeedka ee ka qeybgaleysay xafladi lagu caleema saarayey madaxweynaha Uganda ayaa isaga dareeray kadib marki uu Md. Museveni si aad ah u dhaleeceeyey Maxkamada Caalamiga asagoo wax badan ka shageeyay.

Martidi ka socotay dalaka Mareykanka, Canada iyo Midowga Yurub ayaa goobta ka tagay marki uu si aan aan kala sooc laheyn uu madaxweynaha Uganda uu qudbadiisii ugu weerararay Maxkamada ICC oo uu ku sheegay meel ay joogaan koox wax matarayaal ah, isaga oo intaasi raaciyey inuusan hada kadib taageeri doonin Maxkamadaas.

Qaybta arrimaha dibada Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xitaa ay gadood ka ahaayeen joogitaanka uu xaflada joogay madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir oo maxkamada ICC ay horau ugu jartay warqad lagu soo xirayo dhowr sano ka hor.

Al-BashirWaxaa loo heystaa danbiyo dagaal oo ka dhacay dalkiisa gaar ahaan gobolka Darfur.

Xafladaan lagu caleema saarayey madaxweynaha Uganda Mr Museveni oo dalkaasi xakumayey tan iyo sanadki 1986 – ayaa dalalka kasoo qeybgalay waxaa ka mid ahaa Chad, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Africa, South Sudan, Tanzania iyo Zimbabwe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment