3243 Views

Jaamacadda Carabta oo ka shireysa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada

Jaamacadda Carabta oo ka shireysa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 13, 2016: Shir ballaaran oo looga hadlayo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Kasabalanka ee dalka Maroco.

C/risaaq Taano, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Cuman, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeeddada shirkaasi loo qabtay ay tahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada ku nool waddamada burburku ku dhacay oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

“In waddankooda gudihiisa shaqo abuur loogu sameeyo macaahid tababar laga furo kaddibna hey’ado shaqo abuur ah lagu sameeyo dalka gudihiisa iyo in dalalka bixiya shaqooyinka ay fursado shaqo siiyaan” ayuu yiri C/risaaq Taano.

Hoose ka dhegayso

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment