3504 Views

Haweeneydii u horeysay oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee FIFA

Haweeneydii u horeysay oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee FIFA
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 14, 2016: Fatma Samba Diof Samoura ayaa noqotay haweeneydii u horeysay ee loo magacaabo xilka Xoghayaha Guud ee xiiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Gianni Infantino, Madaxweynaha FIFA, ayaa kaga dhawaaqay shirweynaha 66aad ee FIFA ee lagu qabtay Mexico in Ms Fatma Samba loo magacaabay Xoghayaha Guud ee FIFA.

Fatma Samba oo u dhalatay dalka Senegal ayaa muddo 21 sano ah ka shaqeyneysay Qaramada Midoobey, iyadoo hada aheyd isku xiraha arrimaha bani’aadanimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Sida uu qabo sharciga FIFA waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaas, iyadoo guddi madax banaan ay sameyn doonaan baaritaankaas.

FIFA ayaa isku dayaysa inay iska meyrto ceebtii hareysay ee dhinaca musuq maasuqa, iyadoo horaantii sanadkan xilka Madxaweynaha cusub ee FIFA loo doortay Gianni Infantino, kadib markii Sepp Blatter uu is casilay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment