3114 Views

“Ma aheyn in Ra’iisul Wasaaruhu Guddi u saaro eedeymaha NISA”

“Ma aheyn in Ra’iisul Wasaaruhu Guddi u saaro eedeymaha NISA”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 14, 2016: Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa dhaliilay tallaabadii uu Ra’iisul Wasaaraha ku magacaabay Guddi xaqiiq raadin, kuwaasoo soo baara eedeymihii loo jeediyay Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ee ahaa inay si qasab ah ku askareeyaan carruurta ka soo goosata Al-Shabaab.

Mudane Cabdisamad oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sheegay in aanay isaga u muuqan sabab uu Ra’iisul Wasaaraha guddi u magacaabo, balse ay aheyd inuu arrintaas wax ka weydiiyo Wasiirkii u xilsaarnaa ee hoos-tageysay Hey’adda Nabadsugida.

“Hadii Hey’adda Nabadsugida Qaranka ay tahay Hey’ad aan dowladda Soomaaliyeed hoos imaan oo meel kale ka timaada waa gooni, laakiin waxaa jirta in Wasaarad toos loola xisaabtamo, Wasiirka arrintaas u xil saarnaa uu xaq u leeyahay in Ra’iisul Wasaaruhu intuu u yeero wax ka weydiiyo, arrimaha jira cadeynteedana banaanka loo soo saaro”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Waxaa kale ee uu sheegay in guddigan loo saaray arrintan ay muujineyso in dowladda dhexdeeda tuhun ka dhex jiro, oo hey’addaha dowladda isku kalsooneyn.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore magacaabay Guddi Wasiir ah, kuwaasoo baaritaan ku sameeya eedeymaha loo jeediyay Hey’adda NISA ee ku aadan askareynta carruurta.

Warbixin dheer oo dhowaan uu daabacay Wargeyska Washington Post ayaa lagu soo bandhigay in Hey’adda NISA ay askareeyaan carruurta ka soo goosata Al-Shabaab, kuwaasoo loo bixiyay far-muuqayaal.Carruurtan ayaa qarkood la wareeystay, waxayna sheegeen in ay jirto arrinta Washignton Post ay soo qortay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment