3759 Views

Naadiga NAKADSA oo Muqdisho ku qabtay Xuska 15-ka May

Naadiga NAKADSA oo Muqdisho ku qabtay Xuska 15-ka May
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 15, 2016: Munaasabad si  heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusaayey 15 May oo ah maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan sanad guuradii 73-aad ee ka soo waeegatay aas aaskii ururkii dhalinyarda SYL ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ,waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaano, Wasiiro  Masuuliyiinta Ururadda Dhalinyaradda, Ardeyda Jaamacadaha iyo marti Sharaf kale.

 Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Ashcari, Gudoomiyaha Naadiga Nakadsa, ayaa  mahadceliyey Xildhiaanadii , Wasiradii iyo  Ururradii ka qayb galey Munaasabadda  isago sheegey in 15-ka May ay tahay maalin aysan hilmaami doonin Shacabka soomaaliyeed isagoo ugu baaqey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka mira dhaliyaan Halgankii SYL waxaa uu siiraacyey

“Naadiga Nakadsan waxaa ka diwaangashan ilaa Saddex Kun Dhalinyaro kuwaa oo  Bulshada u qabta Howlo kala duwan   maadaama  dhalinyada ay yihiin lafdhabarta bulshada”  Wuxuuna  u soo jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan Dowlad Wanaaga taasoo u sheegey in lagu gaari karo Horumar iyo Barwaaqo

Xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo ka mid ahaa Masuuliyiintii lagu marti qaadey Munaasabadaas lagu xusayey maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed  ayaa sheegey Munaasabadaani  ay tahay maalin ku weyn Bulshadda Soomaaliyeed maadaama ay ku asteesan tahay aas aaskii ururkii SYL ee u soo halgamay xuriyada dalka Soomaliya,wuxuuna Hoosta ka Xariiqey  n dhalinyarada laga doonayo in ay ka qeybgalaan arimaha sugida amniga si loo gaaro xasiloni iyo hormar, waxaa uu intaas ku darey

“ Dhaliyarada waxaa u leeahay  Dhibaatooyinka Dalka ka jira waxaan uga bixi karnaa  inagoo xooga saarna Nidaamka Dowladnimo” isagoo Dhalinyarada Soomaaliyeed  u soo jeediyey inaa ha iska dhaafaan maalin ku taajirka  u hanqal taaga  Dalal shisheeye.

Xubnhii kale oo Munaasbadaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdulaahi Nuux oo u mahadceliyey Naadiga Nakadsa iyo intii kale ee soo qaban qaabisey Munaaasabada lagu xusayey  Sannad Guurada 73 ee ka soo wareegtey Aas-Aaskii Xisbigii SYL isagoo ugu baaqey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay qaataan Talooyinka Wanaagsan ee loo soo jeediyey.Inti munaasbadaas ay socotey ayaa Dhalinyaradii ka qayb gashey waxay S’aalo weydiyeen Masuuliyiintii ka soo qayb gashey kuwaa oo si saraaxad leh uga jawaabey waxayna Munaasabadaas ku soo  idlaatey sidii loogu talagaley oo an lex-lexad lahayn.

3-14-11-1 (2)13 (2)

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment