2778 Views

Mudane Cumar Cabdirashiid oo maanta la kulmaya Guddigii loo saaray dib u eegista hanaanka doorasho

Mudane Cumar Cabdirashiid oo maanta la kulmaya Guddigii loo saaray dib u eegista hanaanka doorasho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 16, 2016: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Guddi hoosaadkii Guddoonka Baarlamaanka u saaray heshiiskii hanaanka doorasho ee bishii hore uu Ra’iisul Wasaaruhu hor-geeyay Baarlamaanka, kaasoo aan wali la meel marin.

Guddigan ayaa ahaa mid dib u eegis iyo turxaan bixin ku sameynayay heshiiskii hanaanka doorasho ee ay wada saxiixdeen Madasha Hogaamiyeyaasha Madasha wada tashiga qaran 12-kii bishii hore.

Ra/ wasaaraha, ayaa kala hadlaya xubnaha Guddigan sidii loo ansixin lahaa heshiiskan, maadaama uu waqtiga uu yar yahay, waxaana xubnaha Guddigan ay wali ku adkeysanayaan in qaladaad badan uu ku jiro heshiiska, sida xuquuqda Gobolka Banaadir oo ka maqan aqalka sare ee Baarlamaanka.

Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay daahitaanka ku yimid anisixnta heshiiskan, waxaana ay ka dalbadeen Baarlamaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku ansixiyaan hanaankan doorasho ee 2016ka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment