4308 Views

WAR MURTIYEED: Ma Jiro Musharax uu Ururka Gurmad Leeyahay

WAR MURTIYEED: Ma Jiro Musharax uu Ururka Gurmad Leeyahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Sida uu ururka Gurmad dhowr goor horay u caddeeyay, Gurmad waa dhaqdhaqaaq waddaniyadeed, ahdaaftiisana aysan ku jirin inuu noqdo urur siyaasadeed oo doonaya inuu kursi siyaasadadeed u tartamo.

Waxaa nasiibdarro ah in shaqsiyaad isku sheegay inay Gurmad yihiin ay u ololeynayaan qof isku sheegay inuu magaca Ururka Gurmad uu ku yahay musharax u taagan doorashada la qorsheeyay inay Soomaaliya ka dhacdo sanadkan 2016ka.

Gurmad waxay markale hoosta ka xarriiqaysaa in aysan ahayn Xisbi siyaasadeed, balse ay tahay dhaqdhaqaaq waddaniyadeed oo u taagan inuu ka shaqeeyo nabadda iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed halkan uga caddeynaynaa inuusan jirin musharax u taagan xil siyaasadeed oo ay Gurmad leedahay, ciddii arrinkaas sheegatana aysan ahayn mid metesha mabaadi’da guud ee Ururka Gurmad.

Wixii faahfaahin ah, nagala soo xiriir info@gurmadsomalia.org

Wabillaahi Towfiiq

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment