2967 Views

Dagaal Culus oo goor dhow ka bilowday magaalada Baledweyne

Dagaal Culus oo goor dhow ka bilowday magaalada Baledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Wararka an mar dhow ka helnay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaafad ka tirsan magaalada ay ka socdaan dagaallo culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, welina socdo.

 

Dagaalka oo ka socda dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne ayaa waxa uu u dhaxeeyaa maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, iyadoo daryanka rasaasta la isweydaarsanayo laga maqlayo guud ahaan magaalada iyo meelaha u dhow.

Ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah ayaa hakad ku yimid, kaddib markii rasaas wiifto ah ay ku dhacday goobo ay dadku ku badan yihiin.

Sida la sheegayo ,Dagaalka oo si xowli ah ku socda, ma jirto ilaa iyo iminka sheegatay inay ka dambeyso dagaaladaasi, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladaasi ay geysteen, hase yeeshee dib ayan idin kaga sheegi doonnaa.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment