2955 Views

Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho oo sheegay in wax laga bedelay qodobada qaar

Guddiga dib u eegista hanaanka doorasho oo sheegay in wax laga bedelay qodobada qaar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Baarlamaanka u saaray dib u eegista iyo turxaan bixinta heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka sanakdna ayaa sheegay in wixii khaladaad ee ku jiray heshiisaas laga saaray.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay in Guddiga uu wixii sixid u baahnaa uu saxay, wixii khaladna ahna saaray, si loo helo is bedel mustaqbalka siyaasada Soomaaliya.

“Wixii khaldan ee heshiiska ku jiray waa laga saaray, sida Gobolka Banaadir oo laga tagay, Guddiga ayaa ku soo daray, maxaa yeelay Aqalka sare ee Baarlamaanka waa inuu ku jiraa Gobolka Banaadir oo ah Caasimadii dalka”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Jaamac.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda Baarlamaanka la hor-geynayo heshiiskaas, si wixii ay dib u eegista ku sameeyeen loo ansixiyo.

Xalay kulamadi dhex maray Guddigan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in la isku mari waayay, markii Madaxda dowladda ay ka dalbadeen Guddiga in aanay wax ka bedelin qodobada qaar, isla markaana sideeda lagu anisixiyo.

Heshiiskii Madasha wadatashiga Qaran, waxyaabaha uu dhigayay waxaa ka mid ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka laga soo kala xulo Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka dhismaya ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga qadiyay Gobolka Banaadir, taas oo an wax caqliga ka weyn.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment