2706 Views

Kulan lagu qasbaayo Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho ka dhacaya

Kulan lagu qasbaayo Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho ka dhacaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Wararka na soo gaarayo oo lagu kalsoon yahay, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Hargeysa ay ku kulmi doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubo ka socda beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa waxa uu yahay mid lagu qasbaayo Baarlamaanka isla markaana lagu doonaayo in ay si qasab ku ansixiyaan heshiiskii doorashooyinka dalka oo ay gaareen Madaxda DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada.

Baarlamaanka ayaa mar dhow gudi u saaray, dib u soo eegista heshiiskaasi ka hor inta an la ansixin,waxaana la sheegay in qodobo badan laga badalay,taasina ay keentay in beesha caalamka ay soo fara galiso.

Kulankan waxaa goobjoog ahaan doono xubno ka socda QM,Midowga Yurub,Itoobiya iyo Urur Goboleedka Itoobiya waxaana la sheegay in xubnahaan aysan dalka ka bixi doonin illaa Baarlamaanka uu ansixinaayo qorshahaan waqt kastaba ha qaadatee.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment