3555 Views

Kulan looga hadlayay xadgudubyada ka dhanka ah haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlayay xadgudubyada ka dhanka ah haweenka oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayey xadgudubka ku saleysan Jinsiga e ka dhaca dalka, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuuquul aadanaha, kuxigeenka ergeyga gaarka ah e Qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,safiirka dowlada Ingariiska u fadhiya dalka, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo badan.
Dood is weedaarsi  iyo falanqeyn dheer  kaddib waxa goobta hadalo kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinti madasha iskugu yimid o dhamaantood ka mahad celiyey qaabka ay iskugu howshay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda insaanka diyaarinta sharci ku qotoma ka hortaga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya  ay ahmiyada koowaad siineyso sidii loo meel marin lahaa sharciga ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka, isla markaana ay dhaqan gelin doonaan, isagoo wakiilada beesha caalamka ka codsaday inay door ka qaataan.

Sahro Maxamed Cali Samatar, Wasiirka Wasaaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya oo shirka kaddib saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in sharciga ay soo diyaariyeen uu ku saleynsanyahay diinta Islaamka iyo xeerka madaniga ah ee u degsan dalka, ayna horgeynayan labada gole ee dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladad Switzerland u soo magacawday dalka danjire Ralf Heckner oo lagu badalay kii hore, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labda dal, sidii dowladda Switzerland Soomaaliya uga caawin lahayd hirgelinta nidaamka Federaallka iyo inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya Dowladeeda.

IMG_3031IMG_2993IMG_2981IMG_2974

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment