3318 Views

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Koonfuur Korea iyo Switzerland

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Koonfuur Korea iyo Switzerland
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 17 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjireyaasha dalalka Jamhuuriyadda Korea (Koonfuur Korea) iyo Xiriirka Federaalka Switzerland.

Waxaa uu ugu horeyn Madaxweynaha uu warqadaha ka gudddoomaya Danjirha Jamhuuriyadda Korea , Mr Young Dae Kwon.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, dhinacyada iskaashiga sida dhaqaalaha, horumarinta miyiga, mihnadaha iyo tababarada dhalinyarada iyo ciidammada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Switzerland uga wakiilka ah Soomaaliya, Ralf Heckner.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya, sida dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha August ee 2016-ka.

Isla munaasabaddaasi waxaa si rasmi ah loogu sagootiyey Danjirihii hore ee Switzerland, Mr Dominik Langenbacher oo muddadii uu Soomaaliya ka shaqeynayey ay dhammaatey.

md-xasn-waraaqaha-aqoonsiga-1

md-xasn-waraaqaha-aqoonsiga-2 md-xasn-waraaqaha-aqoonsiga-5 md-xasn-waraaqaha-aqoonsiga-3 md-xasn-waraaqaha-aqoonsiga-4

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment