3495 Views

Weriye Macalimuu oo ku guuleystay Xoghayaha NUSOJ

Weriye Macalimuu oo ku guuleystay Xoghayaha NUSOJ
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 17, 2016: Waxaa mar dhow lagu dhawaacay musharaxiinta ku guuleystay jagada Guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta NUSOJ, kaddib markii codeyn qaadatay waqti dheer Hotelka City Palaza ee magaalada Muqdisho oo soo martay laba wareeg. ayaa wareegi labaad ee codeynta musharaxiinta u tartamayay Guddoomiyaha NUSOJ, waxaa ku guuleystay weriye Maahir Jaamac Ibraahim, halka weriye Maxamed Ibraahim Macalimuu uu isna ku guuleystay Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta NUSOJ, kaddib markii uu is casilay weriye Cali Baashi oo la tartamayay Jagadaas.

Guddiga doorashada ururka NUSOJ, ayaa soo gabagabeeyay howl ballaaran oo soo bilaabatay saakay isla markaana ku guuleystay habsami u socodka doorashooyinka ayaa waxaa codkooda dhiibay in ka badan 140-Weriye oo ka kala socday qeybaha warbaahinta Soomaaliya isagana yimid gobolada dalka oo dhan.

Xoghayaha cusub ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo khudbad ka jeedinayay goobta ay doorashada ka dhaceysay, ayaa u mahad celiyay dhammaan ergooyinka kala duwanaa ee ka socda Warbaahinta Gobollada Qaranka.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxa uu ballanqaaday inuu NUSOJ ku sameynayo isbedel cusub, wuxuuna hambalyo u diray guddiyada badbaadada ururka iyo kan doorashooyinka intaba.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment