3171 Views

Dad gaaraya 20 Qof Oo Ku Dhintay Dagaalki Baladweyne, welina socdo.

Dad gaaraya 20 Qof Oo Ku Dhintay Dagaalki Baladweyne, welina socdo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 18, 2016: Sida an warka ku hayno, waxaa la sheegayaa in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, kaasi oo u dhaxeeya beello walaalo ah oo halkaasi wada deggan. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaan ku dhintay 20 qof oo ay ku  jiraan dad shacab ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay. Dagaalka ayaa saaka ka billowday halkii ay Maleeshiyaadka xalay ku kala hoydeen, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo Labada dhinac isku adeegsanayaan. Ma jirto weli maamulka Gobolka Hiiraan wax fariin ah oo ay u direen dhinacyada ku dagaallamaya Baladweyne, waana markii Afaraad oo xaafadaais ku dagaallamaan Labadaan beel. Dagaalkan ayaa imaanaya xilli Xaafadda Howlwadaag ee lagu dagaallamayo ay jareen biyo badan oo kasoo fatahay Wabiga Shabelle. Dadka xaafadaas degan ay u dhaxeeya dagaal iyo biyaha Webiga oo ku soo fatahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment