3072 Views

Wasiirka Difaaca DFS, oo la kulmay Amiirka Kuwait

Wasiirka Difaaca DFS, oo la kulmay Amiirka Kuwait
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 18, 2016: Wafdi oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Saraakiil sar sare ayaa goor dhow gaaray Dalka Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait iyo Safiirka Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, iyadoo wafdiga Wasiirka markiiba loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada Kuwait, halkaas oo uu ku qaabileen Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax.

Aragtida Amiirka kadib, waxaa Wafdiga Wasiirka loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait oo kulan gaaban kula qaatay Xafiiskiisa.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la wadaagi doono dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo laga filayo in ay horey u qaado Iskaashiga xagga amniga ee labada dal.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo aan wax ka weydiinay socdaalka Wafdigan ayaa noo sheegay in booqashadani tahay mid gaar ah oo muujineysa sida ay dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiso arrinta Amiga oo ah dhibaatada ugu weyn ee maanta Dalkeena ka taagan.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo marka aad eegto sida weyn ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

13225203_1037725539639572_951118386_o-1024x768

1-13-1024x768

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment