3369 Views

Ciidamada AMISOM oo xoog ku kala dhex galay maleeshiyadii ku dagaalantay Beledweyne

Ciidamada AMISOM oo xoog ku kala dhex galay maleeshiyadii ku dagaalantay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 19, 2016: Ciidamada AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe kala dhex galay maleeshiyo beeleed labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamay Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

 

Dagaalka u dhaxeeyay labada maleeshiyo ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqii xaafada Howl-wadaag.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa dadaal ugu jira sidii heshiis rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa labada maleeshiyo, isla markaana loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya.

Nabadoon Barre Xuseen oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in maanta la dhameystirayo heshiiska labada dhinac, ayna rajo ka qabaan in ciidamo la kala dhex dhigo labada dhinac.

Nabaddoonka waxa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee kala dhex galay labada maleeshiyo ay xabad joojin dhex dhigeen, isla markaana maanta odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ay kulmi doonaan, si loo xaliyo xiisada labada beeleed.

Ma ahan markii u horeysay ee dagaal ku dhex maro galbeedka Beledweyn labo maleeshiyo beeleed, waxaana dhowr jeer soo noq-noqday dagaalada u dhaxeeyay maleeshiyaad iska soo horjeedo ee isla markaana ah dad wada daggan oo isku dhax jira.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment