3165 Views

Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyey in doorashada Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talagaley

Madaxweynaha oo Golaha Ammaanka u xaqiijiyey in doorashada Soomaaliya ay dhacayso waqtigii loogu talagaley
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 19 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xaqiijiyey in doorashooyinka Soomaaliya ay dhici doonaan xilliga loogu talagaley oo ah bisha August ee sannadkan 2016-ka.
Madaxweynaha waxaa uu hadalkan ka jeediyay magaalada Muqdisho oo uu kula kulmey danjireyaasha waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo maanta dalka booqasho ku yimid.

Wafdiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u kuurgalaya hawlaha qabanqaabada doorashada dalka ka dhacaysa iyo tas-hiilaadka ay Dowladda Federaalka u baahan doonto si hawshaasi looga mira dhaliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ogsoon yahay in waqtiga inoo haray uu yar yahay, balse heshiiskii madasha ee bishii hore la gaarey uu dhigayey in Baarlamaanka uu meel mariyo, sidaa darteedna uu filayo in mudaneyaasha Baarlamaanka ay arrintaasi fududeyn doonaan.

“Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaarney uu mira dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay shacabka inay muujiyaan kalsooni iyo dulqaad.

“Waxaan khasab ah in Soomaalida ay ka xorroobaan fikirka ku saleysan isku tanaasul la’aanta, kaas oo dhalinaya is aamin la’aan dhexdeena ah. Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan mashaakilaadkeena xal caadil ah ugu heli lahayn’’, ayuu raaciyay Madaxweynaha.

Waxaa u Madaxweyne Xasan Sheekh intaa ku darey in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay gacan ka geystaan sidii loo diyaarin lahaa barnaamij lagu soo afjarayo hawlgalka Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, tallaabadaasina ay ku xirnaan doonto in si hufan loo dhammeystiro dhismaha iyo isku dhafka ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynaha hadalkiisa ku soo gabagabeeyay codsi uu u diray Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka oo ah in la maalgeliyo barnaamijka doorashada iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed la baro xirfado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.

Ergada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jirey ugu baaqey inaan la dayacin fursadda taariiikhiga ah ee dalka doorashooyin ay uga dhacayaan, lagana fogaado in waqtiga uu ka lumo, maadaama muddada harsan ay aad u yar tahay.

Waxaa Golaha uu sidoo kale soo dhoweeyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, dimoqraadiyeynta iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kulanka uu la yeeshay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Ka hor kulanka xubnaha Golaha Ammaanka, waxaa uu Madaxweynaha khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku booriyay inay dedejiyaan ansixinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.

.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment