3597 Views

Maxaa ka soo baxay Doodii looga hadlayay Qaabka dhismaha Aqalka sare

Maxaa ka soo baxay Doodii looga hadlayay Qaabka dhismaha Aqalka sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 19, 2016: Kulamadii shalay illaa xalay ka socday magaalada Muqdisho ee looga hadlayay hanaanka geeddi socodka doorashooyinka ee sanadkan ka dhacaya dalka ayaa waxaa soo baxaya in is faham horu dhac ah laga gaaray qodobadii qaar muranka ka taagnaa.

 

Guddiga Baarlamaanka u xil saaray dib u eegista go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka doorashada 2016 u dhaceyso ayaa shalay la kulmay Madaxda dowladda iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Kulamadan oo ahaa kuwo xasaasi ah ayaa looga hadlayay sidii Baarlamaanka u ansixin lahaa qorshaha doorashooyinka, isla markaana caqabadaha ka taagan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka loo xalin lahaa.
Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Guddiga dib u eegista ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee la isla dhaafi waayay ay aheyd arrinta ku saabsan sida Gobolka Banaadir xubno ugu yeelan lahaa Aqalka sare.

Waxaa uu sheegay in waqti aad u dheer uu qaatay sidii loo xalin lahaa qodobkaas, waxaa uu tilmaamay in markii dambe la isla gartay in aan laga tagin Gobolka Banaadir, isla markaana matalaad ku yeeshaan, hase ahaatee aan tiro sax ah oo la siinayo Gobolka Banaadir la sheegin.

Waxaa uu xusay in wakiilada Beesha Caalamka ay u sheegeen Guddiga dib u eegista in aanay wax ka bedel ku sameyn qodobada qaar, isla markaan waqtigan aanay habooneyn in Gobolka Banaadir lagu soo daro Aqalka sare, isla markaana ay keeni karto culeys weyn.

“Guddiga wuxuu ku adkeystay in aan matalaad la’aan noqon karin Gobolka Banaadir, maadaama Baarlamaanka hadii la horgeeyo heshiiska aanay ansixin doonin, sidaas darteed aakhirkii waa soo dhoweeyeen xubnaha Beesha Caalamka, waxaa la isla gartay in Madaxda Maamul goboleedyada laga dhaadhico, in Muqdisho la’aanteed aanay wax kasta suura gal noqon karin, isla markaana doorashada ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad

Xildhibaan Cabdisamad ayaa sheegay inay wax ka bedeleen qodobkii ahaa in Madaxweynaha Maamul goboleedka uu saxiixayo xildhibaanka la soo dooranayo, waxaana uu xusay in qodobkaas laga saaray go’aamada madasha ay gaareen oo ay Guddiga u arkeen inuu yahay arrimo siyaasadeed oo mustaqbalka dhibaata keenayo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment