3021 Views

“Waa nasiib darro in Dowladda iyo Beesha Caalamka ay dhahaan Gobolka Banaadir xuquuq ma lahan”

“Waa nasiib darro in Dowladda iyo Beesha Caalamka ay dhahaan Gobolka Banaadir xuquuq ma lahan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 19, 2016: Xildhibaan Qaasim Cali Nuur oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa asaga aad u careeysan, nasiib darro ku tilmaamay in la duudsiiyo xaqii ay lahaayeen labo milyan iyo bar shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, taas oo la mid ah in jiritaankooda la inkiro.

Xildhibaan Qaasim ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka inay diidaan xuquuqdii uu lahaa Gobolka Banaadir oo ka mid ah 18-ka Gobol ee Soomaaliya.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka ay dhahaan Gobolka Banaadir xuquuq ma lahan oo ay ku nool yihiin labo milyan iyo bar, mana aheyn arrin laga filayay dowladda iyo beesha Caalamka”ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Cali Nuur.

Xildhibaan Qaasim, ayaa hadalkan ka sheegay Nairobi, mar uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeeda Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay inay ka soo horjeestaan in xaqooda la duudsiiyo oo ay codkooda kor u qaadaan.

“Madaxda maamul goboleedyada xaq uma lahan gobolka banaadir inay dhahaan xuquuq ma lahan, shalayna Banaadir ka wada shaqo tageen, inay maanta markii gobolada ay tageen ay dhahaan banaandir xaq ma lahan wax la aqbali karo ma ahan, Gobolka Banaadir waa hooyada Soomaaliyeed inay ka hadlaan xaq uma lahan, waxna uma diidi karaan, umana u ogolaan karaan waxay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan goboladooda”ayuu yiri Xildhibaan Qaasim.

Waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Gobolka Banaadir oo ah halka gobol ee dowladda ka hesho dhaqaalaha laga bixiyo mushaarka Xildhibaanka, Ciidamada iyo hey’addaha, in dowladdu ay ku jisaarto, isla markaana iska indha tirto xaqa uu gobolkan leeyahay ayadoo dulmi uga dan leh

Ugu dambeyn waxaa uu soo dhoweeyay baaqii ka soo baxay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ee ahaa in aan la aqbali karin in la duudsiiyo xuquuqda Gobolka Banaadir, isla markaana laga banaan baxo sida uu yiri Xikdhibaanka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment