3132 Views

Xubno Ka Socda Golaha Ammaanka oo Muqdisho Ku soo Beegan.

Xubno Ka Socda Golaha Ammaanka oo Muqdisho Ku soo Beegan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 19, 2016: Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ay yimaadaan xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasi oo la kulmi doona madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Wacaal Media u xaqiijiyey in xubnaha ay magaalada u imaan doonaan sidii ay madaxda Soomaalida ugala hadli lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo nidaamkii lagu heshiiyay. Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayeey sidoo kale xubnaha ka socda golaha ammaanka kulamo la yeelan doonaan. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsan doona mar kale Golaha ammaanka in Soomaaliya ay ka qaadaan cunaqabateynta xagga hubka ah.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa dhamaadka sanadkan 2016ka,in ay ka dhici doonaan hanaan doorasho oo ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, inkastoo aanu wali hanaankaas meel marin Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu muran ka dhashay qodobada qaar sida tigelinta Gobolka Banadir iyo qodobo kale.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment