4776 Views

Puntland oo ka digtay in wax laga bedelo heshiiskii hannanka doorashada 2016.

Puntland oo ka digtay in wax laga bedelo heshiiskii hannanka doorashada 2016.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 20, 2016: Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa ka digay in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii ku aadanaa hanaanka doorashada ee 2016, iyadoo shirarka ka socda magaalada Muqdisho looga gol leeyahay in lagu saxo qaladaadka ku jira heshiiskaas.

War saxaafadeed ay soo saareen Golaha Wasiirada Puntland, ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay doonayaan in ay sii joogaan oo ayagu ku amar taagleeyaan dorashada soo socota.

Waxaa oo lagu sheegay war saxaafadeedka inay meesha ka bixi doonaan tanaasulaadkii ay horay Puntland u sameysay, hadii wax ka bedel lagu sameeyo qodobada heshiiskii Madasha. Taas oo micnaheeda tahay in Puntland ay doonayso in ay u yeeriso Shacabka Soomaaliya, habka doorasho oo ay ayada doonayso.

Puntland ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka iyo dowladaha deriska ah, iyadoo ku wargelisay in hadii wax laga qaban arrimaha ka socda Puntland ay tallaabo qaadi doonto, taas oo ujeedada tahay in ay Federaalka ka bixi-doonto.

Hadaba war saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland, asaga oo tifaf-tiran halka heese ka aqriso.

war-ka-Puntland

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment