5193 Views

Xaflad lagu taageeray musharaxa Baarlamaanka Cusub oo ka dhacday London

Xaflad lagu taageeray musharaxa Baarlamaanka Cusub oo ka dhacday London
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 20, 2016: Xafladaan lagu taageerayay Musharax Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 2016-ka  Eng Axmed Mukhtaar ayaa xalay lagu qabtay magaalad London ee dalka Ingiriiska.

Kulankaan, waxaa kasoo qeyb galay waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato iyo dhalinyarada  beesha Habarcayno Murusade, iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London iyo nawaaxigeeda ,waxa ayna ku taageereen Mudane Eng ,Axmed Mukhtaar oo u sharaxan in uu kamid noqdo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la doora-doono 2016 ka.

Masu’uliin kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin ayna ku garab taagan yihiin Eng Axmed Mukhtaar in uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub uuna u matalo beesha uu kasoo jeedo asaga oo qiray in uu ka bixi- karo howshaas.

Eng Axmed Mukhtaar oo  munaasabada ka hadlay ayaa ka waramay khibradiisa shaqo , waxa uuna tilmaamay in sanado badan uu kasoo tirsanaa Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Laanta Socdaalka Dalka Soomaaliya uuna xilal kala duwan uu ka qabtay, wuxuuna sheegay in uu yahay nin khibrad iyo aqoon u leh shaqada dowladnimo iyo waajibka ka saaran Waddankiisa Soomaaliya.

Mudane Axmed Mukhtaar waxa uu balan qaaday musharaxa in uu wax badan qaban doono hadii uu ku guuleeysto kursiga Baalamaanka uu hada u tartamayo, waxa uuna ka codsaday xubnaha beeshiisa in ay ku taageeraan sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo sanadkaan  dhammaadkiisa.

Munaasabadaan ayaa ugu dambeeysti lagu taageerayay Musharaxa Xildhibaanka 2016-ka ayaa jawi heer sare ah kusoo dhamaaday , waxaana musharaxa Eng, Axmed Mukhtaar uu helay kalsoonida beeshiisa ee ku aadan in uu ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya, una shaqeeyo Waddankiisa.

london-kulan-3london-kulan-1london-kulan-2london-kulan-8london-kulan-9london-kulan-10london-kulan-11

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment