3207 Views

Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016

Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 21, 2016: Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada qaloocan ee qorshuhu yahay in bisha Agosto ee sanadkan uu ka dhaco Soomaaliya.

Fadhiga maanta ayaa daba socda kulankii khamiistii ee Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyay sharciga doorashooyinka ee ay dib u eegista ku soo sameeyeen Guddigii Baarlamaanka u magacaabay.

Guddigan ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar ee ku xusnaa go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka ay u dhaceyso doorashada sanadkan 2016.

Hab-dhowraha Baarlamaanka, Xildhibaan Maxamed Cumar, ayaa sheegay in kulanka maanta Xildhibaanada ay ka doodi doonaan sharciga lagu fulinayo doorashada, waxaana uu xusay in hadii dooda soo dhamaato, waqtina la helo cod loo qaadi doono.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Khamiistii ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan sharciga, maadaama waqtiga yar yahay, lagana sugayo in bisha Agosto ay dalka doorashada uga dhacdo.

Beesha Caalamka ayaa horay uga dalbaday Baarlamaanka inuu ansixiyo, waxaana ay walaac ka muujiyeen ansixin la’aanta iyo in wax laga bedelo qodobada hanaanka geeddi socodka doorashooyinka oo ay u arkeen inuu caqabad keeni karo, wana sida ay ayaga doonayaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment