3138 Views

Mareykanka oo walaac ka muujiyay dib u dhaca ka jira hanaanka doorashada 2016.

Mareykanka oo walaac ka muujiyay dib u dhaca ka jira hanaanka doorashada 2016.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 21, 2016: Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay dib u dhacyada ka jira hanaanka doorashada 2016 ee Soomaaliya, iyadoo loogu baaqay Baarlamaanka inuu qaato ee qassabna ku ansixiyo hanaanka doorashada.

Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka, Baarlamaanka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ku aadan in doorashado ay ku qabsoonto waqtigi loogu tala galay.

Qoraalka ayaa loogu baaqay Baarlamaanka Federaalka inuu qaato tallaabo deg deg ah oo lagu ansixiyo hirgelinta hanaanka doorashada qaran ee ka soo baxay go’aamadii Madasha Wadatashiga Qaran ee kal hore la isku raacay.

“Sii socoshada hey’ado federaali ah oo xalaal ah waa mid ku xiran hogaamiyeyaasha Soomaalida oo raaca hanaan siyaasadeed oo daah furan, ka hor inta uusan waqtiga ka dhicin xukumadda haatan jirta”ayaa lagu yiri qoraalka.

Tan kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay gacan ku siiso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda helista xukun xasiloon oo si dimoqraadi ku yimaada  aduunkana ogaan karo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment