3630 Views

M/weyne Xasan Sheekh oo kala diraayo Baarlamaanka haddii aysan go’aan gaarin

M/weyne Xasan Sheekh oo kala diraayo Baarlamaanka haddii aysan go’aan gaarin
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, May 21, 2016: Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay suurta galnimada in xubnaha Baarlamanaku meel mariyaan Natiijada Madashii wadatashiga Qaran oo Xildhibaanada hada ka doodayaan kadib markii wax kabadal lagu soo sameeyay.

 

Kulalihi ayaa kamid ah xubnaha taageersan in sidey tahay lagu dhaqangaliyo sharcigan oo uu sheegay inuu yahay mid muhiimad gooni ah uleh dalka iyo dadkuba. Waa sida asaga uu qabo.

Xildhibaanka, ayaa Carabka ku dhuftay in uu ka walwalsanyahay hadii Baarlamaanku ishortaago sharcigan talaabada xigta uu qaadi karo Madaxweyne Xasan Sheekh.  Wadada kaliya ee ubanaan Hogaamiyaha dalka ay tahay inuu kala diro Baarlamaanka hada jira Maadaama ay ka dhaga adkayeen baaqyada isdaba jooga ee Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ka imaneysa.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale meesha ka saaray walwal uu sheegay iney qabaan Xildhibaanda qaar oo ku aadan iney soo laaban waayaan Baarlamanaka soo socdo marka la dhiso.

Xildhibaankii iska waaya Baarlamaanka soo socda ee 2016ka ayuu sheegay iney heli doonaan lacago Gunno ah,lacagtan wuxuu xildhibaanka sheegay in Baarlamanaka horay umeelmariyeen.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay hortagay baarlamaanka soomalaiya wuxuuna kala hadlay doorashada dadban ee dheceysa dhamaadka sanadankan 2016ka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment