5379 Views

Dad Gaajo Darteed Ugu Dhintay Baladweyne

Dad Gaajo Darteed Ugu Dhintay Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 22, 2016: Warar naga soo gaarayaa  maamulka magaalada Baladweyne, ayaa sheegaya in 14 qof oo shacab ah ay u dhinteen baahi kadib markii ay ku go’doomeen xaafadihii ay deganaayeen. Duqa Baladweyne Maxamed Aadan Deeqow,  ayaa sheegay in xaafado ka tirsan magaaladaasi ay ku dhinteen dadkani oo carruur u badan. Waxa uu tilmaamay mas’uulkan in dadkan dhimashadooda ay ka dambeysay kadib markii ay waayeen maalmo badan raashiin ay cunaan, sidoo kalena dadkani aanay helin nafaqadii ay u baahnaayeen. Biyaha ka fatahay Wabiga ayaa suuragal ka dhigi waayey in dadkaan ay naftooda la baxsadaan ama halkooda gurmad loogu geeyo. Waxaa laga baqayaa in dad kale ay raashiin la’aan ugu dhintaan magaalada B/weyne maadaama magaalada oo dhan ay go’doon tahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment