4953 Views

FAALLO: Ma Xildhibaannadaa qaldan mise Madaxwaynahaa la qasbay ?

FAALLO: Ma Xildhibaannadaa qaldan mise Madaxwaynahaa la qasbay ?
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 22 May 2016 | Ma aha wax siyaasadda ama maaulka Xafiis Madaxweeyne ku cusub inuu soo saaro ” Executive Order ” ama xeer madaxwayne, waxay xaaladani timaadaa markii Madaxwaynuhu u arko in arin lagama maarmaan ah ama xaalad degdeg ah ay soo dhaafi la’dahay ka go’aan gaarideedu golaha sharci dejinta.

Waxaa isticmaala amarada noocaan ah madaxweeynayaal aan ka magacaabi karo Madaxda Maraykanka soo martay dhamaan, waa sharci badankiisu yahay ku meelgaar xaaladdaha markaa u baahan xalintana looga gudbo inta uu baarlamaanku ka sharciyeeyn doono, waxa uu mararka qaarkood noqodaa sharci ama xeer aan dib ugu noqon baarlamaanka lana caadeeysto ku dhaqankiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ah baarlamaan aad u liita shaqo la taaban karana qaban sidii loo abuuray iyadoo ay fadhiyaan madax hore oo da’ ah aadna u daalan, shaqsiyaad fara ku tiris ah oo aqoon sare leh, tiro Wasiirro ah oo aan waqti u hayn fadhiyada Baarlamaanka, rag iyo dumar aan aqoon badan oo ay xilkaas ku qaadaan lahayn, qurbo joog aad u badan, ganacsato iyo xildhibaanno aan matalin beelaha ay ku abtirsadaan.

Intaasoo xildhibaanno kala heer aqooneed iyo mid danno qaas ah kala leh loogana fadhiyo inay shuruucdii wadanka lagu hagi lahaa isla jaangooyaan waxa uu u muuqday baarlamaan aanan isla jaan qaadi karin.

Waa Xildhibaanno ku yimaada qaab beeleed, kuwaasoo ku kala yimaada habab aan ka xusi karo:

  1.  Shaqsi reerka laga yaqaano ama shaqsi uu waalid u yahay, iyadoon loo fiirin aqoonta iyo kartida uu leedahay.
  2.  Shaqsi taajir ah lacag badana ku harqiya madax beeleedka beesha magacna ku hela xilkaas, hase yeeshee aan soo xaadirin fadhiyada lagu gorfeero arimaha qaran.
  3.  Shaqsi ay aad ugu fog tahay qabyaaladu, sababta loo soo xulaana ay tahay inuu reerka xaqooda soo dhicin karo.
  4.  Shaqsiyaad aanan matalin beelaha ay ku abtirsadaan, kuwaasoo aanay ka muuqan Muwaadinnimo mar hadii ay isu arkaan inay maqaarsaar yihiin una fadhiya dhuuntooda.
  5. Shaqsiyaad Qurbajoog ah soona xaadira fadhiyada markii ay jirto xaalad ay u arkaan inay hanti ku heli karaan mar hadii aysan degaan ku lahayn wadanka, caruurtooda iyo reerkooduna ugu nool yihiin dhulal nabad ah.

Intaa aan soo sheegay iyo in ka badan Xildhibaannada ku sifoobay oo Xildhibaanno qaran ku magacaaban,  marna ma suurta geli karto inay kulan wada fadhistaan arina isla gorfeeyaan, taasoo aan aragno in afayeennada baarlamaanku ka baryaan Xildhibaannada inay fadhiyada soo xaadiraan si Kooramku u buuxsamo.

Baarlamaan ku sifoobay calaamadahaas aan qaar ka xusay, culays ay saartay beesha Caalamka, Golaha Amaanka iyo waqtiga oo gaaban awgeed  ayaa kalifaysa inuu Madaxweynuhu go’aan gaaro keligiis.

HALKAAN KA DAAWO HADALKA MADAXWAYNAHA IYO QODOBADA XEERKA……

By Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment