3588 Views

MASUULIYADII BAARLAMAANKA MA DHAMAATAY, MISE WELI WAY JIRTAA?

____________________________________________________________________________

 

Mar hadii Madaxweynaha uu isticmalay awoodiisa, Masuuliyadii Baarlamaanka ma jirtaa  weli, mise way dhamaatay?

Waxaa ka jira Xuux badan iyo Aragtiyo kala duwan Go’aankii uu Qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana loo tarjumay siyaabo kala duwan oo Qaarkood lagu salaynayo Sharciga u yaal dalka, Qaarna lagu salaynayo Siyaasada iyo Caqliga Suuban.

Su’aasha ugu wayn ee la is waydiinayo, ayaa waxay tahay Masuuliyadii Baarlamaanka Federaalka, weli ma jirtaa oo Masii shaqaynayaan inta ka dhiman waqtigooda, mise waa lakala diray mar hadii uu Shaqadodi qabtay Madaxweynaha?

Hadaba mar aan wax ka waydiinay laba Aqoon yahay oo mid kood Xildhibaan yahay, waxay noo cadeeyeen in ay ku kala Ra’yi duwan yihiin, Go’aanka Madaxweynaha uu Qaatay, waxayna u kala dhigeen sidan.

  • Xildhibaanka wuxuu yiri “arintan Madaxweynaha waa ku deg degay, isagoo raba in uu ka dhigto kambayn ama Qodob Xasaasi ah uu rabo in uu ku faano waqtiga doorashada, tusana Caalamka iyo Shacabka in uu yiraahdo Baarlamaanka kama soo bixin Shaqadii ay u hayeen Shacabka, waana meel ka dhac iyo Magac Xumo loo gaystay Baarlamaanka”.
  • Shaqsiga kale ayaa wuxuu leyahay “Madaxweynaha waxaa culays ku haya Dowladaha Caalamka iyo UN-ta oo aad uga wal walsan waqtiga gaaban ee la rabo in lagu soo dhiso Dowlad, Madaxweynaha wuxuu ka hor tagay Xaalad Qatar ah ee dalku wejihi lahaa, waayo is jiid jiidka Baarlamaanka waxaa ku dhumi lahaa waqti badan”.

War iyo dhamaan waxaa la sugayaa meesha uu ku dhaman doonto jiritaanka Baarlamaanka iyo Go’aanka Madaxweynaha Fa’idada uu u soo kordhin doono dadka iyo dalka, waayo waxaad moodaa in uu weli jiro Mugdi badan oo aan lahayn albaab muuqda oo laga Boxo, sababtoo ah Baarlamaanka waxay rabeen in ay Ansixiyaan wixii ay ku jirto DANTOODA, Madaxweynaha wuxuu Ansixiyey Sharci ay isaga dantiisa ay ku jirto uuna ku rajo wayn yahay in uu ku soo dhoqdo kursigiisa.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Oyintu Orgiga ka wayn” Madaxweynaha iyo Xildhibaanada waxaa u qarsoon sidii ay ku soo noqon lahaayeen, arinta ah waxaan badbaadinaynaa dalka iyo dadka waa “Qowda maqashii waxna how qaban”, Allaa u maqan Shacabka iyo Dalka,  dadkuna ha u noqoto Aqoon kororsi waxa manta socda ee ay Taageerayaan wadamada Deriska nala ah, waayo waxa lagu Gorgortamayo waa Masiirka umada Somaaliyeed, sidii loo gelin lahaa Jahawareer aan dhamaan,  Marka laga reebo walaalaha Reer Jabuuti.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment