3447 Views

2,500 ee tahriibayay oo laga soo bad baadiyay Badda.

2,500 ee tahriibayay oo laga soo bad baadiyay Badda.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 24, 2016: Ciidamada Xeebaha Talyaaniga ilaaliya, ayaa sheegay in 2,500 oo muhaajiriin ah ee la socday 14 doonyood kuwa cinjirka ka sameysan, laga soo bad baadiyay Badda Mediterranean-ka, xilli ay u sii socdeen dhanka Yurub.

Muhaajiriintan ayaa laga soo bad baadiyay Badda Libiya, markii maraakiib dagaal ay lahaayeen dalalka Ireland iyo Malta ay arkeen ayaga oo qattar ku sugan.

Maraakiibta Ireland iyo Malta ayaa qeyb ka ah howl galka caalamiga ah ee lagu joojinayo in dad badan ay ku dhintaan Badda.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in markab xamuul ah uu ka qeyb qaatay bad baadinta tahriibayaashaan.

Waxaa uu sheegay in cimilada badda Mediterranean-ka oo sii fiicnaaneysa ay sahashay in tirada muhaajiriinta ay soo kororto.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sanadkan oo kaliya 30,000 oo muhaajiriin oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha laga soo bad baadiyay Badda Mediterranean-ka, kuwaas oo la geeyay xero qaxooti ku yaal Talyaaniga ila haddana ay ku suganyihiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment