4635 Views

Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo is casilay

Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo is casilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 24, 2016: Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Jen.Cali Gaab oo saaka la hadlayay Idaacada Kulmiye sheegay inuu aanay jirin cid ku qasabtay inuu xilka ka tago, isla markaana uusan cidna dacwo ka aheyn ama kuu ka sheeganayn.

“Waxaa idin cadeynayaa inaan ka tagay shaqadii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ma jirto cid igu qasabtay, mana jirto qof aan dacwo ka ahay”ayuu yiri Cali Gaab.

Waxaa uu sheegay in uu isaga go’aankaas gaaray in uu xilkaas isaga tago, waxaana uu xusay inuu diyaar u yahay inuu laamaha ammaanka dowladda ku gacan siiyo sugida nabadgelyada haddii loo baahdo.

Jen. Maxamed Shekh Xasan Xaamud, taliyaha Booliska Soomaaliyeed, ayaa u magacaabay Cali Gaab Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir mar hadda la joogo sanad.

Jen.Cali Gaab ayaa horay u soo qabtay xilal ciidan, waxaana markii ugu dambeeyay uu ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ” Trafiko “.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment