8103 Views

DF Somalia iyo Somaliland oo wada gaaraya go’aankii ugu dabeeyay

DF Somalia iyo Somaliland oo wada gaaraya go’aankii ugu dabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 25, 2016: Dowladda Turkiga ayaa iyadoo adeegsanaysa diplomasiyiinteeda waxa ay miiska dhex dhexaadnimada iskugu keenaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, si loo bailaabo wada hadalada labada dhinac ee kal hore go’ay.

Barta Al-jazeera Turkey ayaa lagu daabacay in Turkiga dhinacyadaasi uu u yeeray si aan toos ahayn 18-kii April,Kani Toron oo xubin ka ah gudiga arimaha dibada Barlamaanka Turkiga oo lasoo xiganayo waxa uu cadeeyay inay la kulmeen Dowladda Somaliya iyo maamulka Somaliland ayna ogolaaden inay wada kulmaan,shirka ayaa waxa uu dhici doona 31-bishaan May 2016 oo ka qabsoomaya magaalada Ankara waxana uu qaadan shirkaasi magaca dib u miboodiba Soomalida iyadoo ay xaadirayaan madaxda Turkiga iyo kuwa kale oo caalamka ka socda.

Turkiga markuu arkay inay joogsaden wada hadalada Dowladda Somaliya iyo maamulka Somaliland waxa ay go’aansatay in labada dhinac dib ugu soo celiso miiska wada hadalka si ay guul uga gaaran dhibatadii 1991-ki,si arimahasi u hirgalaan dowladda Turkiga ayaa waxa ay Kani Toron u soo dirtay Somalia kadib markii xukuumada Somaliya ay Turkiga ka dalbatay in ay la socoto doorashada iyo arimaha dhex dhexaadnimada.

Labada dhinac ayaa ogolaaday in ay ku kulmaan magaalada Ankara.wasaaradda arimaha dibada Turkiga ayaa diyaar gareenaysa qabsoomida kulankaasi,balse wax lug ah kuma yeelan wada tashiyada dhinacyadaasi si ay u awoodaan in fursada weyn uga faaideystaan inay uga hadlaan qorshayaasha mustaqbalka ee danta u ah labada dhinac.

MudaneToran oo wareysi siiyay Kanal Al Jazeera ayaa shaaca ka qaaday arinta quseysa shirka 31-May ay madaxda Dowladda Somaliya iyo Somaliland ku go’aamin doonan qariidada ogolaashiyada Mustaqbalka si madax banan,waxana Turkiga doorkiisa noqon doona la talin, si loogu gogol xaaro midnimada Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment