3054 Views

Mareykanka oo Shacbigiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya

Mareykanka oo Shacbigiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 25, 2016: Xafiiska Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa uga digtay dadkeeda inay ka fogaadaan Safarada ay ku tagayaan Soomaaliya, qataro dhinaca Amniga oo ka jira daraadeed.

Warqad ka soo baxday Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay inay jirto hanjabaadyo joogto ah oo ka imaanaya Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Shacbiga Mareykanka ayaa lagu wargeliyay inay ogaadaan halista afduubyo ka imaan kara kooxaha Argagixisada, kaasoo ka dhaca qeybaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iyo Puntland.

Waxaa kale ee lagu sheegay qoraalka in Mareykanka aanu Safaarad ku laheyn Soomaaliya, waxaana digniinta la soo saaray ay la mid tahay mid uu Mareykanka horay u soo saaay 1-dii October ee sanadkii 2015.

Qoraalkaan, ayaa lagu sheegay in xaalada ammaanka Soomaaliya aanay wali deganeyn oo halis ah, sanadkii hore Al-Shabaab ayaa weeraray illaa sideed hotel caan ah oo lagu dilay muwaadin Mareykan ah.

Al-Shabaab ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo bartilmaameedyo hey’adaha ajnabiga ah ee taageeraya dowladda Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment