3687 Views

Michael Keating oo ku dhawaaqay arin halis galineysa doorashada 2016

Michael Keating oo ku dhawaaqay arin halis galineysa doorashada 2016
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 25, 2016: Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, wareysi gaar ah uu siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu sheegay in doorashada ka dhaceysa Somalia 2016 i ammaanka ay sugi doonaan AMISOM iyo ciidamada maamulka Puntland.

Michael Keating ayaa inta badan u janjeera dhanka maamulka Puntland oo dadka qaar ay ku xifaaleeyaan in uu ku dhashay Gobolka Mudug, waxa ayna u badan tahay in arinkaan uu khilaaf dhalain doono isla markaana lagu kala qeybsami doono haday suurtagal noqoto arrintaana an kor ku soo xusnay.

Dowladda Somalia ayaa laga sugayaa in ay ka jawaab ka bixiso hadalka kasoo yeeray Michael Keating oo ah in ciidamada Nabad Sugida Somalia iyo Booliiska oo joogaan, Puntland ay sugto ammaanka doorashada 2016 ee Muqdisho lagu qaban-doono.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment