2829 Views

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia oo xil cusub iskugu soo sharaxay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia oo xil cusub iskugu soo sharaxay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 25, 2016: Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia, Tedros Adhanom, horeyna u soo noqday wasiirkii caafimaadka, ayaa noqday hoggamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo murashaxa kaliya ee u taagan jagada agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo lagu magacaabi doono shirka hey’adda ee sanadka soo socda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, waxaa la aasaastey sanadkii 1945-kii oo haatan laga joogo 70 sanadood. Balse WHO waligeed looma magacaabin hoggaamiye kasoo jeeda Qaaradda Afrika, balse hadda waxaa isu soo taagey jagadaas Tedros Adhanom oo u dhashay dalka Itoobiya

Tedros ma dhaliilsano mana inkirsano wax-gqabadkii hogaamiyeyaashii ka horreeyey, hasa-ahaatee wuxuu sheegay in arrimaha caafimaadka adduunka lagu eegayey fikirka waddamada horumarey oo aan sidaas u ballaarneyn.

“Sida aad ogtahay Afrika iyo dalal badan oo dunida soo koreysa kamid ah ayaa culeyska ugu badan uu ku dhacaa; walina nalama siin fursad ah in xaaladda caafimaadka adduunka lagu arko indhaha Afrika iyo dunidan soo koreysa ee iyagu og waxa u asalka ah caafimaad-darrada ay la kulmaan,” ayuu yiri Tedros.

Tedrose Adhanom ayaa gaanshaanka u daruurey aragtida ah inuu magacaabistan ku doonayo maadama uu u arko inay tahay kaltankii uu ruux Afrikaan ah jagada u qaban lahaa hey’adan QM u qaabilsan cafimaadka.

Waxaase uu intaas ku daray in afrikaanimadiisu ay faa’iido u tahay howsha WHO laga doonayo iyo aragtida Caalamka.

Tedros waxa uu leeyahay khibrad aad u sarreysa. Waa Cilmi-baare sare oo dhanka mallaariyada, caalamkana laga aqoonsan yahay, kahorna intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya sanadkii 2012-kii, waxa uu ahaa wasiirka caafimaadka ee dalkaas in muddo ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment