3213 Views

DF oo Baareysa Fatahaadda Wabiga Shabelle

DF oo Baareysa Fatahaadda Wabiga Shabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 26, 2016: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto fatahaadda soo noq noqotay ee Wabiga Shabelle.

C/casiis Saalax Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in DF ay degdeg ku baarayso fatahaadan mar walba iska soo daba noqota.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in DF ay degdeg ku furayso dhammaan kanaaladii xirmay si ay u yaraato fatahaadda Wabiga Shabelle. Sidoo kale C/casiis Saalax ayaa muujiyey inay jiraan dad iyaguna sabab u ah in Wabiga uu fataho oo ay qodaan meelaha ugu jilicsan hareeraha Wabiga si fatahaad u sameeyo. Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka mid ah gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, balse horay cid u baartay sababta keentay fatahaaddas ma jirto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment