4029 Views

Dhacdo aad u xanuun badan oo Muqdisho ka dhacday

Dhacdo aad u xanuun badan oo Muqdisho ka dhacday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 26, 2016: Xalay waxaa magaalada Muqdihso ka dhacay dil aad u fool xun, kaddib markii askari la socday baabuurta dagaalka ee loo yaqaano Cabdibilaha uu toogtay nin ku shaqaysanayay mootada loo yaqaan Bajaajta; dilkaan ayaa wuxuu dhacay waddada Shaqaalaha.

Qof ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa, ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu ka horreeyay baabuurka Cabdibilaha ah balse markii uu soo dhawaaday ayuu yiri “Waddada noo banee?”waddada xilligaas mashquul ayey ahayd waxaana ka socday baaritaan oo ciidamo ayaa ku sugnaa mesha.

Dilka kaddib ciidamadii goobta waa ay isaga baxsadeen, waxaana xirmay waddada maadama meydka qofka shacabka uu yaalla jidka dhaxdiisa, askarti baaritaanka waday-na meesha waa ka baxsadeen.

Dilka ayaa ka dhacay farasmagaalaha waxaana xilligaas goobta ku sugnaa ciidamo boolis ah, sidda ay dadka goobjoogayaasha ku warrameen, balse boliski wax ay arrintaas ka qabteen ma jirin

Laamaha Amaanka dowlada wali kama hadal dilka dhacay, waxaana dadka ay isweydiinayaan waxa dowlada ka hortaagan in wax ka qabtaan ciidamada maalin kasta dhibaata ku haya Shacabka.

Dadka Muqdisho ku nool ayaa waxa ay ka sheegtaan Boliiska iyo Ciidamada Gobolka Banadir (Municipio), kuwaas oo baad iyo caga juglayn joogta ku haya dad ka ganacsada suuqyada magaalada ee danyarta ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment