3804 Views

WIIL WATAY MOOTO BAJAAJ OO SI KAS AH LOOGU DILAY MUQDISHO.

____________________________________________________________________________

WAA ARGAGAX, WAA CADAALAD DARO, WAA KIBIR, WAA KU TUMASHO SHARCIGA iyo XUQUUQDA SHACABKA, !!! iyo Eray uu yiri wiiyar oo goobta joogay ” Alla yaa Qoray isiiya aan madax ka TOOGTEE ninkii dilay wiilkan.!!!

Xalay abaarahii 7:00 Fiidnimo ayaa si Kas iyo Kibir ah loogu DILAY, wiil wata Mooto bajaaj agagaarka Laanta Socdaalka ee wadada Maka Almukarama iyo wadada Adda Villa Laybeeriya, wiilkaas oo in Mudo ah Maydkiisa uu yiilay wadada Dhexdeeda, waxaa Goobta Joogay Ciidan ka tirsan Booliska, iyagoo aan gacanta ku dhigin Danbiilihii, lamana yaqaan sababta aan loo qaban danbiilahaas.

Mar aan wax ka waydiiyey Nin ka tirsanaa Ciidanka, wuxuu ii shegay in ay dileen Dad HUBEYSAN oo saarnaa Gaari wayna si Xornimo ah isaga Tageen goobtii ay ku dileen wiilka, iyagoo aan Sheegin HEYBTA ay YIHIIN ama Meesha ay ka Tirsanyihiin, Dhinaca kale waxaa Goobtaas soo Buux dhaafiyey Dadweyne aad u badan oo ay wajiyadooda ka muuqatay Argagax iyo Caro badan, waxayna dadka ku dhawaaqayeen “Away dadkii DILAY? Maxaa loo qaban wayey dadkii dilay?, Away dowladii la sheegayey iyo Cadaaladii?”.

Waxaa aad iyo aad Nasiibdaro u ah In Goobtaas ay joogeen Ciidanka ilaada BOOLISKA oo Hubaysan in qof Shacab ah lagu DILLO hortooda oo aan Laqaban dadkii Falka Gaystay Ciday doonaan ha noqdeene, waayo waxaa QASAB ahayd in la qabto ninkii falka gaystay inta ay ka Hubinayaan Sababta keentay in la Dilo wiilkaas iyo Heybta uu yahay Qofkii dilka gaystay si loo ogaado meesha uu ka tirsanyahay,  Laakiin waxay u muuqataa in Shaqsi kasta uu SAMEYN KARO wuxuu rabbo mar hadii uu wato HUB.

Hadaba waxaa iswaydiin Mudan Ciidamada Taagan Jidadka maxay u joogaan?, maxay ilaaliyaan?, Amarka la siiyey waa Noocee?, ma waxaa jidadadka loo geeyey in ay Shacabka Dhibaan ama ay waydiistaan SHAXAAD?, mar hadii aysan Awood u leheyn in ay Qabtaan Shaqsi kasta ee Hortooda ku Gala DAMBI BAREERA ah!!!?.

War iyo dhamaan waxaan u sheegayaa Shacabka Somaaliyeed in la diiwaan geliyo dhacdooyinka noocaan ah, lana baaro Cidii ka dambeysay, waana arin Mudan in lagula Xisaabtamo TALIYAHA BOOLISKA,TALIYAHA NISA iyo DUQA Magaalada Muqdisho hadii aan si deg deg ah wax looga qaban Falalka noocan oo kale ah iyo kan xalay dhacay waa Cadaalad daro bilowgeed.

Xalay Shacabka joogay goobtaas waxaa ka muuqatay Murugo iyo Rajo Xumo Quus ah, lamana Qiyaasi karo sida ay ahayd xaaladooda, waxayna ku riday RAJO XUMO u soo korortay, waxayna ahayd maah maahdii ahayd “meeshii Cir laga filaayey, ayey CEER yaamo ka timid” oo macnaheedu yahay waxaa la sugayey CADAALAD IYO XAQSOOR loo simanyahay, waxayna isu bedeshay ereyadii ay igu yiraahdeen Shaqsi Boliska ka mid ahaa iyo Shacabka jogay goobtaas oo ahayd “Nin Hubeysan yaa Hor istaagi Kara”!!!

Ugu dambeyn Dowlada iyo Shacabka, waxaan leeyahay CADAALADA HA LOO HIILIYO, cadaalad la’aan waa Nolol la’aan, mana saamayn doonto Calaalad darada Miskiinka oo kaliya ee waxay samayn ku yeelan doontaa Shaqsi kasta darajaduu doono halahaadee.

Qaranimo-online

Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment