3384 Views

Dab Ka Kacay Xaafad Ku Taalla Muqdisho

Dab Ka Kacay Xaafad Ku Taalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 27, 2016: Saakay aroorti hore ayaa waxaa dab xooggan uu qabsaday xaafadda loo yaqaan Furayaasha, degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare hantiyeed  oo baallara geeystay in kasto an cidi ku dhiman.

Dabkan ayaa ka kacay guri ku yaalla xaafaddaasi kadib markii ay koronto ku qaraxday gurigaas dhaxdiisa,waxaana sii faafay dabka. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadaasi ayaa sheegay in halkaasi ay hadda soo gaareen gaadiidka dabdamiska ah, waxaana gacan siinaya dadka ku dhaqan xaafaddaasi.

Waxaa gubtay xarumo ganacsi oo halkasi ku yaalla, waxaana sidoo kale waxaa la sheegayaa in dabku uu gaaray xaafado rayid badan ay ku nool yihiin.

Ila hadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Warta Nabadda lagama hayo wax war bixin ah oo ku saabsan dhacdadaan an kor ku soo sheegnay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment